Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha Dowlada Norway ee Soomaaliya Ambassador Elin Bergithe Rognlie.
Kulankaan ayaa waxay kaga wada hadleen mashaariic horumarineed ee Dowladda Norway qorsheynayso in ay ka hirgaliso deegaanada Hirshabeelle iyo in xal waara loo helo fatahaadaha wabiga Shabeelle ee soo noqnoqday.
Madaxweeynaha Hirshabeelle iyo Danjiraha Dowlada Norway ayaa sidoo kale Kulankaan uga hadlay Arrimaha Amniga Doorashooyinka iyo ilaalinta Qoondada Haweenka.