Nin Isbaanish ah ayaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah ka dib markii uu dilay hooyadiis oo uu cunay qeybo ka mid ah meydkeeda.
Alberto Sรกnchez Gรณmez, oo 28 jir ah, ayaa la xiray sanadkii 2019 ka dib markii booliska ay ka heleen qeybaha jirka agagaarka guriga hooyadiis qaarna ay ku jiraan weelal caag ah.
Maxkamadda ayaa diiday doodaha Sรกnchez ee ah inaysan maskaxdiisu caadi ahayn uu markii uu dilka dhacayay.
Waxaa lagu xukumay ninkan 15 sano oo dilka ah iyo shan bilood oo dheeri ah oo ah cunista meydka hooyadii. Waxaa sidoo kale lagu amray inuu siiyo walaalkiis โฌ 60,000 ($ 73,000, ยฃ 52,000) oo magdhow ah.
Booliisku waxay yimaadeen guriga ku yaal bariga Madrid bishii Febraayo 2019 ka dib markii deriska ninkan ay Booliska u sheegeen shakiga ah inuusan si wanaagsan ula dhaqmin ninkan hooyadii.
Sรกnchez oo markii uu falkan ku kacay 26 jir ahaa ayaa ceeji ku dilay, kadibna wuu jarjaray oo wuxuu cunay qaybo ka mid ah jirkeeda labadii toddobaad ee ku xigay, isaga oo qaar siinaya eeygiisa.