
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay ganacsiga dalka Ethiopia loogu iibgeynayo kalluunka lagana soo iibsanayo jaadka ama qaadka.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax isagoo uga mahadceliyay tallaabada ay ku dhaqaaqeen ee ah in dibadda loo iibgeeyo kalluunka laguna soo bedesho jaadka laga isticmaalo dalka gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.
Sidoo kale kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib).



