Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah.
Waxaa loo qabtay Jocob Zuma muddo shan maalmood inuu isku dhiibo booliska. Haddii taa la waayo, wasiirka booliisku waa inuu amraa xarigiisa.
Xukunka ayaa yimid kadib markii maxkamada dastuuriga ah ay ku heshay dambi ah xaqiraad uu ka horyimid amarkeeda si ay uga soo muuqato baaritaanka musuqmaasuqa intii uu madaxweynaha ahaa.
Waqtiga Mr Zuma ee xukunka, oo dhammaaday 2018, waxaa hareeyay eedeymo musuqmaasuq.
Maxkamadda ayaa ka baaraan dageysa in Zuma lagu ciqaabayo iyo in kale ku gacan seyridda yeeritaan maxkamadeed oo aheyd inuu kasoo hormuuqdo,
Guddoomiyaha guddiga sida gaarka ah uggu daba jira, ayaa baarayey eedeymaha ay usoo jeedisay maxkamadda, iyagoo uggu danbeyntii ku dhawaaqey in Zuma lagu helay danbi ah inuu quur sadey maxkamad, sidaasi darteedna ay ku xukumeen laba sano.
Tan iyo intii uu is casiley sanadkii 2018-kii, Zuma ayaa isaga daba laalaabanayey maxkamad, taasoo kusoo oogeysay eedeymo la xiriira musuq maasuq, in kastoo uu isagau iska diidey.