SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay written by Warsan Radio 07/06/2022 Waxaa maanta fagaaro kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday.Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.Bulshada kunool Gobolka Baay gaar haan Magaalada Baydhabo ayaa aad uga naxay dilka Haweeneyda Magaalada Baydhabo loogu geystay kadibna meydkeeda musqusha loogu riday, waxaana uu ahaa mid si weyn looga hadal haayay degaannada Koonfur Galbeed. SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan next post Adeegga Internet-ka oo Saacado ka maqnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 18/08/2022 Wararkii u danbeeyay Hotelka Elite oo weli Rasaas ka socota & dad ay ku jiraan Xildhibaano oo la soo badbaadiyey 16/08/2020 Al-Shabaab hor leh oo ka gudbay xadka iyo xogtii u dambeysay 25/07/2022 Madaxweyne Deni oo goordhow furaya Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland 25/10/2022 Dhageyso:_Warka Subax ee Idaacada Warsan 18/12/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/09/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/08/2022 Cali Guudlaawe oo eedeyn u jeediyey beesha caalamka baaqna u diray bulshada HirShabeelle 14/11/2020 Akhriso Liiska Golaha Barlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay 28/10/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.