War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha uu hormuudka u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.
Guddiga ayaa sidoo kale raโiisal wasaare Rooble ugu baaqay in uu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.
Qoraalka ayaa loogu baaqay raโiisul wasaare Rooble inuu mideeyo guddiga doorashada gobolada waqooyi.