Hooyo Luul Cabdulaahi oo ah qof qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa xiligaan soo wajahaysa xaalad nolo xumo ah kadib markii gurii ay kunoolayd uu gubtay
gubashada guriga hooyo Luul ayaa lasheegay in ay ka dambaysay kadib wiilkeda oo isna ah qof dhimirka ka xanuunsan uu gubay guriga sida dadka deriska la’ah hooy Luul ay noo sheegeen.
halkaan ay fadhiso waa gurigii ay ka deganeed Magaalada Baydhabo sidoo kale guriga waxaa gubashadiisa raacey gaarigii ay ku soconeysey.
Gubashada guriga ,Naafonimada hooyo luul iyo Dhimir la’aanta wiilkeda waxaa u siidheer in uu dhawaan uu geeriyooday Aabihii Qoyska hooyo Luul manjirto xiligaan cid isku xilqaantay caawinta qoyskaan marka laga reebo gurmad yar ay u sameeyeen deriskooda.
Luul ayaa markii hore guriga waxaa u dhisey dad muxsaniin ah lakiin hada waxey fadhisaa meel banaan ah kaliya ay ka muuqdaan dhul maran iyo gumaarka agankeedi gubtey.