Majaajileyste caan ahaa oo u dhashay Pakistan Umer Sharif ayaa ku geeriyooday Jarmalka isagoo jira 66 sano.
Geeridiisa Sabtidii ayaa waxaa xaqiijiyey qoyskiisa iyo saraakiisha Pakistan. Shariif, oo la tacaalayay xanuunno wadno ah ayaa 28 -kii September diyaarad caafimaad looga qaaday dalka Pakistan, si qalliin loogu sameyo dalka Mareykanka oo loo qorsheeyay toddobaadka soo socda.
Hase yeeshee, waxaa si degdeg ah loo geeyay isbitaal ku yaal Jarmalka intii lagu kadib markii xaaladiisa ay ka sii dartay.
Safiirka Pakistan u fadhiya dalka Jarmalka Mohammad Faisal ayaa xaqiijiyay geerida Omar Sharif.
Ra’iisal wasaare Imran Khan iyo hogaamiyaasha mucaaradka Shehbaz Sharif iyo Bilawal Bhutto Zardari ayaa ka mid ahaa tiro siyaasiyiin ah oo ka tacsiyeeysay geerida Omar Sharif.
“Wuxuu lahaa hibooyin badan wuxuuna ku raaxeystay boos gaar ah xagga jilitaanka iyo majaajilada,” ayuu Khan ku yiri war uu soo saaray, isagoo raaciyay in waxqabadkii Shariif ee adduunka fanka lagu xasuusan doono sanadaha soo socda.
Wuxuu ku dhashay 1955 magaalada dekadda leh ee koonfurta Karachi, Shariif wuxuu ku bilaabay majaajiliiste masraxyada sanadkii 1974.
Dalka Pakistan ayaa looga yiqiin Omar Sharif “boqorka majaajillada” .Wuxuu sidoo kale ku lug lahaa telefishanka iyo filimada, isagoo soo saaray dhowr filim oo waaweyn.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ku geeriyooday allaha u naxariistee Majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis.