Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay isugu yimaadeen khubaro militari oo ka socda dalalka ciidamada ku biiriya Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Kulankan ayaa hordhac u ah shirka la filayo inay yeeshaan Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ka qeyb qaata hawlgalka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo diyaarin lahaa qorshe wadajir ah oo lagu fulinayo go’aannadii ka soo baxay shirkii gaarka ahaa ee madaxda dalalka taageera AUSSOM, kaas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Qorshaha ayaa la sheegay inuu hagayo wejiga xiga ee iskaashiga dhinaca amniga.
Qodobada ugu muhiimsan ee laga dooday waxaa ka mid ahaa dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka iyo sidii si dhow loogu mideyn lahaa awoodaha iyo agabka ay adeegsanayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa taageeraya.
Guddoomiyaha guddiga khubarada militariga, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshaha la diyaarinayo uu ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ciidamada AUSSOM iyo dalalka ciidamadooda ku biiriyay hawlgalka, si loo kordhiyo waxtarka howlaha amniga.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qorshaha ay khubaradu soo diyaariyeen loo gudbin doono Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, kuwaas oo dib u eegi doona ka hor inta aan si rasmi ah loo meelmarin.
Ansixintiisa ayaa la filayaa inay saldhig u noqoto qorshayaasha hawlgal ee xiga.Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda amniga ay wadaan dadaallo ku aaddan maalgalinta AUSSOM oo wajahaysa dhaqaale la’aan, taasoo ay u sii dheer tahay in Dowladda Maraykanka ay shaacisay in dhammaadka sanadkan ay joojin doonto taageerada xafiiska UNSOS oo bixiya taageerada howlgalka AUSSOM.
Dhawaan, dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo ku kulmay Kampala ayaa dalbaday in howlgalka lagu kordhiyo 18- 24 bilood oo dheeraad ah, si Soomaaliya loogu diyaariyo in ay la wareegto masuuliyadda amnigeeda.
