Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowlad gobaleedka jubbaland Avv Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Xeer-Ilaaliyaal ka socda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlad Federalka Soomaaliya iyo Xeer-Ilaaliyaal ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka
oo u jooga Hawlo shaqo wadanka Seychelles Caasimadiisa Victoria ayaa kulan laqaatay Taliyaha Guud Ciidamada Midowga Yurub ee Ka howlgala Badweynta Hindiya una jooga ladagaalanka Burcad Badeeda.
Xubnahaan ayaa taliyaha waxaa ay ka dhegeysteen Warbixin ku saabsan howlgalka ladagaalanka Burcad Badeedka waxayna sheegeen inay hoos u dhacday Qatarta Burcad Badeedka sidoo kale waxay Warbixin ka bixiyeeen in ay hadda xooga saaraan ladagaalanka kaluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortaga dhoofinta Dhuxusha.
Xubnaha Xeer ilaaliyeyaash ayaa la wadaagay
inay ay usoo gudbiyaan Xafiisyada Xeer-ilaalinta hadii ay qabtaan kaluumeysato si sharciga Baalmarsan uga kaluumeysanaya Badda Soomaaliya iyo Maraakiibta, doomaha dhoofiya Dhuxusha si lo horgeeyo Maxkamadda Awoodda u leh loona Maxkamadeeyo.