Wasiir Gaashaandhigga Xuluumadda xilgaarsiinta Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa aaladda foggaan aragga uga qeyb galay Shirka 1037 Ee Golaha Amniga Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaalada Amniga ee Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM kula j jiraan Al-Shabaab.
SIdoo kale Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyey Golaha kulamo Muqdisho uga socda khubaro Ka Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ,Shirarkaas oo qabsoomay bishii Agoosto 2021, laguna diyaarinayay Warbixin ku saabsan qaabka uu noqon doono howl-galka ciidamada AMISOM Ee Sanadka 2022.
Wasiirka ayaa xoogga Saaray ahmiyada ay leedahay in Ciidanka Xoogga Dalka ay qaataan Masuuliyada Amniga Dalka iyaga oo garabsanaya AMISOM.
Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan iidamo ka socda qaar kamid ah wadamada Afrika, kuwaas oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiraanAl-Shabaab.