Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa is bedel ku sameeyay Hoggaanka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii) iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Dhinaca Amniga.
Maxamed Cabdirixiin Nuur ayaa loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee gobolkaasi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu soo magacaabay Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka cusub.
Gudoomiye Siidii ayaa xilka loo magacaabay 16-kii bishii November ee sanadkii 2020, waxayna xil ka qaadistiisa imaanaysa, wax ka yar hal sano oo uu ku magacawnaa, inkastoo uu horey xilkan u soo qabtay.
Siidii ayaa door muuqdo ka cayaaray gulufkii militari ee Al Shabaab looga saaray inta badan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, sanadihii 2012-2014.