
Diyaarad nooca xamuulka oo u rarneyd Shirkadda Daruuro ayaa maanta ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaaradaasi ay motooro u waday degmadaasi.
“Diyaaraddu waxay ahayd diyaarad Cargo ah, maanta bay motooro gaysay Degmada Doolow, intii ay garoonka ka deganeysay bay cilad qabsatay, dab baana ka kacay.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Universaltv la hadlay.
Waxa kaloo uu yiri “Ma jirin cid wax ku noqotay shilkaasi dhacay oo way ka badbaadeen shaqaalihii diyaaradda, illaa iyo haddana cid haba yaraatee wax ku noqotay ma ay jirto, aan ka ahayn inay baaba’een diyaaraddii iyo hantidii saarneydba,”
Korneyl Aadan Rufle ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Gedo ay fadeexad ku tahay inaanu gobolku lahayn gawaarida dab demiska.
“Ceebta dhacday waxaa weeye diyaaradda waa la badbaadin karay, dabka ka kacay waa la baqtiin karay, hadduu gobolku lahaan lahaa dab demis.” Ayuu yiri Aadan Rufle.
Rufle ayaa intaa ku daray “Maamulka Gobolka Gedo ka jiro uma khalmo inuu sii maamulo gobolka. Doolow oo ka mid ah ilihii dhaqaalaha ee dalka ugu muhiimsanaa hal gaari oo dab demis ah xitaa malahan.”
Shilalka diyaaradaha ayaa tan iyo sanadkii hore ee 2020 ku soo badanayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya