Wasiirka Wasaaradda Cadaallada Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen uga tacsiyadeeyay, kuwaas oo xaley gacan ka xaq daran ugu dishey magaalada Muqdisho.
βFalakaan foosha xun markuu dhacay waxaan la xiriirey hayadaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaartey. Ciidamada amaanka waxay ii xaqiijiyeen in ay baaris socoto lana daba joogo falkaan cidii geysatey ayuu yiriβ Wasiirka.
Sidoo kale wuxuu jadalkisa uu intaasi ku daray in Shacabka Soomaaliyeed uu u balan qaadayo, iyadoo loo maraayo hanaanka Cadaalad u raadinta dhibanaha in la hor keeni doono Cadaalada cid alaale cidii falkaan foosha xun geysatay.
Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dilka Sakariye iyo Sowdo oo walaalo ah, iyada oo Ehelladooda ay Maanta ka dalbadeen dowladda Soomaaliya inay cadaalad u helaan dilkaas.