Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qaraxii la beegsadeen.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda.
Shalay ayay ahaydmarkii qarax ismiidamin ah lagu beegsaday afhyeenkii Xukuumadda Soomaaliya maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaana haatan lala tacaalayaa xaaladdiisa caafiimaad.