
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaraan Guddoomiyaha ururka ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maaddeey) iyo Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo kamid ah Saraakiisha Ururkaas.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay martikhaad u fidisay mas’uuliyiintaas taas oo ka dambeeysay raalli galintii golaha Wasiiraddu ka bixiyeen dhiibistii Qalbi dhagax, sidoo kalena Ururka ONLF ugala laabteen liiska Argagaxisada oo markii hore ay ku dareen Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in Mas’uuliyiinta Jabhadda ONLF loogu dhigo munaasabad lagu soo dhaweeynayo kadibna Golaha wasiiradda hortooda lagu raalli galiyo Cabdikariin Qalbi dhagax iyo iyo Madaxda kale ee Ururka ONLF.
6-dii Bishii September ee sanadkii 2017-kii ayaa Golihii Wasiiradii Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre waxaa kulan ay yeesheen ay liiska Argagaxisada ku dareen Ururka ONLF balse Xukuumadda hadda jirta ee Maxamed Xuseen Rooble ay ka laabteen Go’aankii hore ee Golaha Wasiirada.