Kooxo hubeysan ayaa Maanta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nin Oday ah oo kamid ah dadka ku nool degmadaas, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.
Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Nuur Sayid Cali ayaa waxaa la sheegay in uu kamid ahaa Ergada doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana lagu dilay Xaafada Baalguri ee degmada Afgooye.
Ciidamada Ammaanka degmada Afgooye ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah, hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horay dhowr jeer loogu dilay Odayaal kamid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana dilalkaas sheegtay Ururka Al-Shabaab.