
Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota inta badan caasimadda maamul goboleedyadda, waxaana soo baxay xildhibaano cusub oo kusoo biiri donna golaha Shacabka xilli qaarkood aan la shaacin tartanka kuraastooda.
Guud ahaan kuraasta la doortay ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa gaaraya 75 Mudane, waxaana dhiman 200 oo mudane kuwaasoo intooda badan ay kuraastoodu taallo meelo ka baxsan caasimadda maamul goboleedyadda ama magaalada labaad ee doorashada loo asteeyay.
Doorashada gobollada Waqooyi ayaa hoggaaminaysa in ay tahay meesha ugu badan ee lagu doortay xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana taalla 46 kursi waxaa la doortay 24 Mudane.
Maamulka Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la 17 Mudane.
Jubbaland waxaa taalla 43 kursi waxaa la doortay 15 ka mid ah.
Puntland waxaa taalla 37 waxaa la doortay 9 xildhibaan.
Galmudug waxaa taalla 37 waxaa la doortay 8 Xildhibaan.
Kuraasta beellaha banaaniga wali waxba lagama dooran.
Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday midka kaliyah ee aan wali bilaabin doorashada xildhibaanada golaha waxaa lagu waddaa in maalinta isniinta ah la doorto kuraastii ugu horreysay.
Wali ma jirto magaalo ka baxsan caasimadda maamulada oo doorashada ay ka bilaabatay waxaana wali ka socotaa caasimadda halka wararka qaar ay sheegayaan in golaha wadatashiga qaran ay ka tashan doonaan markii lasoo dhameystiro kuraasta taalla caasimaddaha.