Vladimir Putin madaxweynaha Dalka Ruushka ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu isku dayayo inuu dalkiisa u horseedo dagaal ka dhaca Ukraine.
Waxa uu sheegay in hadafka Mareykanka uu ahaa in dagaal ka dhex dhaca Ukraine iyo Ruushka uu ka dhigto marmarsiiyo uu cunaqabateyn dheeraad ku saaro Ruushka.
Mr Putin waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu iska indha tirayo walaaca Ruushka ee ku wajahan ciidamada isbahaysiga Nato ee Yurub.
Maraykanka iyo xulafadiisa gaashaanbuurta Nato ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu qorsheynayo duulaan uu ku qaado Ukraine, taas oo uu Ruushku marar badan beeniyay.
Talaadadii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Maraykanku “ay ka go’an tahay in uu ka hortago khilaaf aan cidna dani ugu jirin”.
Todobaadyadii la soo dhaafay Ruushku waxa uu xadka u Ukraine ku daabulay ilaa 100,000 oo askari – oo si buuxda u qalabaysan.