
Ciidamo farabadan ayaa saaka lagu arkayaa waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Ciidamada la dhigay Beledweyne ayaa saameyn ku yeeshay Ganacsiga Magaalada, waxaana xiran Goobaha Ganacsiga Magaalada Beledweyne, sida ay Risaala u sheegeen dad ku sugan Beledweyne.
Sababta Ciidamada loo dhigay waddooyinka qaar ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe oo ay wehlinayaan Xubno uu kamid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya ay ku wajahan yihiin Magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale Magaalada Beledweyne waxaa qeyb kaga sugan Ciidamo la magac baxay kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo siweyn uga soo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne iyo dadweyne careysan oo xalay waddooyinka qaar ee Beledweyne dhagxaan kujaray.
In kastoo xaaladda Magaalada Beledweyne ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa siweyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda iyo Goobaha Ganacsiga qaar oo xiran.