
Shir todobaadyadii la soo shaafay u socday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ay kasoo saareen bayaan wadajir ah oo looga hadlayay howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Bayaanka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa diirada lagu saaray Shaqooyinka u qabsoomay AMISOM iyo kuwa culus ee weli horyaalla, iyada oo la isku raacay in Magaca laga bedelo howlgalka AMISOM, waxaana bayaanka uu u qornaa.
1. Kaddib markii la soo-dhoweeyay wafdiga Midowga Afrika (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka
Febraayo 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada, Warbixinta Wadajirka ah Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya nafta u hureen la dagaallanka
Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka aynciidamada ka joogaan Soomaaliya ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee
Soomaaliya iyo xaqijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee
Kooxda Afar-Geesoodka ah.
4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo MidowganAfrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21ki Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku
Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kabdib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka,
Nabadaynta iyo Nabaddhiska.
5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo
qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Mugdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu
heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen
AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.
7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka
ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo.
8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen
sida hoos ku xusan:
a. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta dhaxayso 14ka ilaa
18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
b. Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa
25ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
C. Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada
Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.
Dhammaad