Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa si Kumeel gaar ah ugu fasaxay Bajaajleyda Wadada Wayn ee Magaalada Garoowe kadib banaanbax ay shalay dhigeen wadayaasha Mooto Bajaajta.
Guddiga amniga iyo guddiga bajaajleyda oo shir ku yeeshay xarunta Gobolka ayaa waxaa looga wada hadlay joojintii bajaajlayda wadada halbowlaha ah ee Magaalada Garoowe.
Guddiga Amniga iyo bajaajlayda ayaa isla qaatay go’aamo ay kaga sii shaqaynayaan bajaajlayda wadada bartamaha ah ee Caasimadda.
1: In si ku meel gaara dib loogu fasaxo wadada wayn ee Garoowe gadiidka Bajaajka ah.
2: inaan laysin danbe la siinin gaari cusub oo bajaaj ah si loo yareeyo.
3: in wadaha bajaajtu uu leesin qaato da’diisuna aysan ka yareyn 18 sano.
4: wadayaasha bajaajtu waa inay baakin galaan marka ay qof qadayaan ama dajinayaan.