
Wasaaradda isgaarsiinta Somaliland ayaa sheegtay in ay guuleystay in la mideeyo shirkaddaha is gaarsiinta in ay is wici karaan si looga hortaggo dhibaatooyinka ay bulshado kala kulanto.
shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel ayaa aqbalay in la isku furo adeega wadahadalka ee Labada shirkadood.
Hadii aad Somtel sidato waxaad la xidhiidhi kartaa qof sita card-ka Telesom , hadii aad telesom sidatana sidoo kale.
Inta badan dadka ku sugan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dhibaato ku qaba in aysan is wici karin Simkarada Shirkaddaha is gaarsiinta.
