
Ugu yaraan 15 qof oo isugu jiro shacab iyo masuuliyiin heer degmo ah ayaa ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
In ka badan 20 qof ayaa dhaawacyadooda la gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Beledweyne.
Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka hirshabelle iyo Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Bulshada Dagmada Beledweyne.
Waxaa dadka dhintay ku jiray Allaha u Naxariistee Maxamed Cabdulaahi Nuur oo u sharaxnaa kursiga HOP03 iyo Musharax Xildhibaan Abtiyow.