Wasiirka caafimaadka ee Ukraine ayaa sheegay in 198 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ay ilaa hadda dileen ciidamada Ruushka.
โNasiib darro, marka loo eego xogta qalliinka, gacanta kuwa soo duulay waxaa ku baxday 198 dhimasho ah, oo ay ku jiraan 3 carruur ah, 1,115 dhaawac ah, oo ay ku jiraan 33 carruur ah,โ Wasiirka Caafimaadka Viktor Liashko ayaa ku soo qoray Facebook.
Dhanka kalena Faah faahin dheeri ah ayaa hadda laga helay kolonyada ciidamada Ukraine ee la burburiyay
Wariyeyaasha ayaa kusoo waramaya in la burburiyay qalabka difaaca ka hor wax saacad ku dhow inta aysan ciidanka soo gaarin magaalada Kyiv.
Qeybta gantaalada hawada ee xalay lagu burburiyay gantaalada Ruushka, ayaa u muuqda mid la mid ah kii Ukraine ay geeysay Donbas bishii hore.