Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo jadwalkooda ay dhawaan shaaciyeen Guddiga hirgelinta doorashooyinka.
Maanta ayaa qorshuhu yahay in Beledweyne kagu doorto ilaa lix kursi, waxaana goordhow la doortay kursiga Koowaad ee doorashada Maanta.
Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga Dowladda federaalka Soomaaliya Xildhibaan khaliif Cabdi Cumar ayaa Markale ku Guuleeystay Kursiga tirsigiisu yahay Hop#32 kadib Doorasho Maanta ka dhacday Magaalada Beledweyne.
Xildhibaan khalif ayaa helay Codad gaaraya 81 Cod halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Cumar Gureey u helay 10 Cod,, waxaana halaabay7 cod.
Ammaanka Magaalada Beledwryne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana weli ku sugan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.