
Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta Bari oo ay wehlinayeen Ciidamada Duufaan ee NISA ayaa howlgallo qorsheysan oo dad farabadan lagu qabtay waxaa ay ka sameeyeen laba degaan oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo meelo kamid ah degmada Yaaqshiid.
Ciidamada oo watay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka ka sameeyay degaannada Daaru-Salaam, Gubadleey iyo degmada Yaaqshiid, waxaana saraakiishu ay sheegeen in uu howlgalka ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga Caasimadda.
Ciidamada ayaa Guri guri u baarayay Xaafadaha ku dhow ceymiska ee degmada Yaaqshiid iyo degaannada Gubadleey iyo Daaru-Salaam, waxaana Ciidamada ay qabqabteen dhalinyaro looga shakiyay inay yihiin kuwo lidi ku ah Amniga.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasoow Xasan ( Goofgooge), Taliyeyaasha Afarta Saldhig ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid Huriwaa iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in howlgalkaan maalmihii la soo dhaafay la qorsheeynayay, isla markaana kulan gaar ah oo ay yeesheen Hay’adaha Amniga lagu go’aamiyay in howlgalka la bilaabo kadib amar ka yimid Madaxda Sare ee dalka.
Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasoow Xasan (Goofgooge) ayaa sheegay in laamaha Amniga ay ku raad joogaan cidkasta oo dhibaateeyneysa Shacabka, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ay soo sheegaan cid kasta oo dhibaato amni darro ku heeysa si ay tallaabo uga qaadaan.
Howlgalkaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmay xilli todobaadyadii la soo dhaafay Magalada Muqdisho ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay sheegteen Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya dadka Shacabka ah mararka qaarna dilaya.