Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne ku- xigeenka Somaliland ayaa kormeer Maanta ugu baxay degaannada Goboladda Barigga Somaliland.
Degaannada ay Abaarta ka jirta ayaa ah mid Dadka iyo xoolahaba saamayn-xoogan ku reebtay , iyada oo Xoolo farabadan ay u dhinteen.
Dadka deegaanada Abaartu ku dhufatay ayaa Madaxda Somaliland dhowr jeer ka dalbaday in la caawiyo Balse maanta loo diray Xubnaha Guddiga gurmadka Abaaraha Somaliland.
Degaano badan oo kuyaalla Bariga iyo Koonfurta Somaliland ayaa waxaa kajira Abaar xoogan, taas oo saameyn ku yeelatay dad iyo Duunyo.