
Guddiga qiimeeynta xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbohaarreey ee uu magacaabay Raβiisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay odaayasha dhaqanka ah ee ree Jubaland kuwaa oo kasoo jeeda Gobolka Gedo.
Odayaashan dhaqanka ree Jubaland ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa guddiga qiimeeynta xaaladda Gedo usoo gudbiyey caqabadaha ku xeeran in Gobolka lagu qabto doorasho iyo sida ay u arkaan xalka.
Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho si Warbixin u siiyaan Raβiisul Wasaaraha, iyaga oo intaasi kadib aadi doona xarunta degaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaareey.
Guddiga qiimeeynta xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbohaarreey ayaa laga sugayaa warbixin ku aadan sidii ay suurtogal ku noqon karto in Magaalada Garbahaareey lagu qabto doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka.