
Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay arimaha doorashooyinka.
Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya.
Musharax Daahir Geelle iyo Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii dalka looga kala gudbin lahaa xaaladda kala guurka ah.
โWaxaan la kulmay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya mudane Larry Andrรฉ oo igu casuumay xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka ku sugan yahay, marxaladda kala guurka ah iyo sida looga gudbi karoโ ayuu yiri Daahir Geelle.
Waxaa uu u mahad celiyay dadaalka dowladda Maraykanka ee garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee marxaladda adag ee lagu jiro.