Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala beegsaday Gaari nooca xamuulka qaado ah oo ay saarnaayeen ciidamo Kenyaati ah kaas oo sahay ciidan kasoo qaaday deegaanka Weel-caday ee gobalka Wajeer, kuna sii jeeday tuulada Girileey ee dhacda duleedka degmada Ceelwaaq.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qatada,balse Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa waxaa ay sheegeen inay kudileen 11 kamid ah askarta Kenya ee gaariga la saarnaa
Ciidamada Kenya ee qaraxa lala beegsaday ayaa furay rasaas farabadan, balse la sheegay in rasaastaas aysan dad Shacab ah u geysan wax khasaaro ah.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Kenya ay socdaalkoodii ay iska siiwateen,iyaga oo tahay tuulada Girileey ee dhacda duleedka degmada Ceelwaaq oo ay Sahay Ciidan u waday.
Inta badan Ciidamada Kenya ayaa xilliyada ay socdaalka ku marayaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Waqooyi Bari waxaa lala beegsadaa qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab.