77-da Xildhibaan ee Barlamaanka labada aqal ee Koonfur Galbeed lagu doortay oo shahaadooyinkooda la gudoonsiiyey.
Munaasanada shahaado siinta iyo Sogootinta Xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya kuwooda lagu doortay Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacdey xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo .
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftgareen), madax ka socotay Gudigga doorashada Heer Fadaraal iyo midka Dowlad Gobaleedka ayaa kasoo qeyb galay munaasabada Shahaadooyinka lagu siinayaa xildhibaanada .
69 Xildhibaan oo Golaha shacabka ah iyo 8 Senator oo aqalka hoose ah ayaa shahaadooyinkooda goobta Madaxweynaha Koonfur Galbeed xildhibaanada mid mid u gudoonsiiyey .
Shahaadooyinka xubnaha la siiyey ayaa Gudoomiyaha Gudigga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cqaadir Maxamed wuxuu sheegey iney bixiyeen Shahaadooyinka xubnaha Gudigga heer Fadaraal ee Koonfur Galbeed shaqada u joogey iyo Gudigga doorashada Koonfur Galbeed.
Caawa ayaa lagu wadaa in munaasabad khudbad uu ka jeedinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ka dhacdey xarunta madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo, isagoo ka dardaarmi doono xildhibaanada