
Qof naftiisa halige ah oo la sheegay in uu soo xirtay Jaakad lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Barta Koontorool ee ku dhow Hotelka Afriik halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan Nabadsugida Soomaaliya kana ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay dhimasho iyo dhaaeac ku noqdeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.