Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb written by Warsan Radio 11/05/2022 Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isaga oo kulan deg deg ahaa la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda Soomaaliya.Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorsheynaya in ay Dhuusamareeb soo weeraraanCol. Xasan Jaamac, ayaa sidoo kale amar buuxa siiyey Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga oo la farey in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Caasimada looga difaaci lahaa kooxaha duulaanka ku ah.Shirkan deg dega ah oo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dhaq djaqaaqyo Ciidan duleedka degaanka Bohol ka wadeen xoogagga Ahlusunna Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb was last modified: May 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay arrin uu Putin damacsanyahay next post Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho You may also like Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 31/05/2020 video 40 qoys oo kamid ah barakacayaasha ay Abaarta saamaysay ayaa deeq usoo dhiibatay luul 25/03/2017 MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO U TAGAY XAQIIJINTA KOONFUR-GALBEED HESHIIS AH 16/01/2023 Dhageyso: Hormaro Laga Sameeyay Goobaha Tiamaha Lagu Jarto Ee Magaalada Baydhabo. 29/03/2020 Hay’adda NISA oo lagu eedeeyay inay is hortaagtay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil 03/11/2021 Afhayeenka Gudiyadda Doorashooyinka Oo Ka Warbixiyey Halka Ay Marayso Doorashada Dalku 16/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/09/2021 Joint Statement on COVID-19 12/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Afaraad ee Daadijin 04/10/2021 Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in musharaxiinta ay qal qal gelinayaan amniga iyo xasiloonida dalka. 09/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.