
Ururka Ahlu-Sunna ayaa dagaal hubeysan kula jira maamulka Galmudug, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay weeraray magaalada madaxda Dhuusamareeb halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.
Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamullada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.
“Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni” ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo BBC-da la hadlayay.
Taliyaha wuxuu sheegay in haddii ay gacanta kusoo dhiggaan raggan ay raadinayaan oo uu kamid yahay Sheekh Shaakir in caddaalladda ay horgeyn doonaan.
