Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir written by Warsan Radio 18/05/2022 Booliska Dawlad Gobolleedka Galmudug, ayaa sheegay in sababta ay u doonayaan in la soo xiro 36 qof oo ka tirsan saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu kujiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay tahay, sidii loogu maxkamadeyn lahaa dambiyo ay sheegeen inay ka galeen dadka reer Galmudug.Ururka Ahlu-Sunna ayaa dagaal hubeysan kula jira maamulka Galmudug, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay weeraray magaalada madaxda Dhuusamareeb halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamullada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.“Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni” ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo BBC-da la hadlayay.Taliyaha wuxuu sheegay in haddii ay gacanta kusoo dhiggaan raggan ay raadinayaan oo uu kamid yahay Sheekh Shaakir in caddaalladda ay horgeyn doonaan. Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir was last modified: May 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida next post Dhegeyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Baarlamaanka Koofurgalbeed oo isku raacay in la qabto Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed 19/02/2018 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 05/04/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/09/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/01/2019 Xog: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sanado kadib kusoo wajahan Muqdisho 26/08/2020 Akhriso:- Madaxweyne Farmaajo oo Xildhibaano baaq culus u diray 11/12/2018 Ciidamada Millateriga Soomaaliya Oo La Wareegay Deegaanka fiidow 12/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/07/2020 video:-Heshiis laga gaaray Aaska Meydadka Weerarkii Bariire 31/08/2017 Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 17/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.