Xasan Sheekh Maxamuud oo loo caleema-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya written by Warsan Radio 09/06/2022 Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa Maanta oo Khamiis ah lagu qabtay teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho, waxaana kasoo qeybgalay madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, isla markaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.Wuxuu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.Waxa uu Xasan Sheekh ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul,wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaartan.Waxaa halkaasi ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare. Xasan Sheekh Maxamuud oo loo caleema-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya was last modified: June 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Go’aano laga soo saaray Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Baydhabo next post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:- Trtanka Caawa oo ah Habeenkii 10 naad oo ay Tartamaan Xaafadaha Baydhabo Caawa waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Howlwadaag {A} Bardale {B}Caawa waxaa 26-5-2018 27/05/2018 Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqayso shirkaddaha ku guulaystay qandaraaska shidaalka 06/08/2020 Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle & Jubbaland oo wadatashi la bilaabay Xildhibaannada labada Aqal 09/05/2022 Ciidanka DANAB oo la wareegay degaano katirsan Shabeellaha Hoose & Baay 01/05/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo magaalada Nairobi kula kulmay ganacsato Soomaaliyeed 11/08/2021 Akhriso:-Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xabsiga ka siideysay weriye Maxamed Siciid Yusuf 30/07/2019 Saddex qarax oo ka dhacay Garoonka Degmada Buulo Barde (SAWIRRO) 22/06/2020 Baarlamaanka Puntland oo Go’aan kasoo saaraya Metelaadda Gobalka Banaadir 28/06/2020 Jaamacadda Carabta oo war ka soo saartay xaladda siyaasadeed ee Soomaaliya 27/07/2020 Video Sawir: Kulan Looga Hadlaayay Dhismaha Burburka Waddooyinka Baydhabo Oo Yesheen Wasiirada Iyo Ganacsatada Baydhabo 07/12/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.