Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo written by Warsan Radio 17/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa sheegay in saaka waaberigii hore ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah kusoo qaadeen degaanka Baxdo oo hoostaga Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Al-Shabaab Afarta dhinaca ee degaanka Baxdo ay kasoo geliyeen Afar Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, hayeeshee Ciidamada DANAB, kuwa daraawiishta Galmudug & kuwa degaanka oo ka feejignaa weerarkooda ay ka hortageen, isla markaana Afartii Gaari, iyaga oo aan qarxin ay la wareegeen.Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Baxdo looga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga dilay ku dhawaad 60 Xubnood halka dhankooda ay ka dhinteen mid kamid ah Cullimada degaanka oo dagaalka kujiray & Saddex Carruur ah oo rasaastu uga tagtay Guryahooda.Al-Shabaab ayaa dhankooda goor sii horeysay sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degaanka Baxdo ay ku dileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada NISA ay degaanka Baxdo kusoo bandhigeen meydadka Xubno katirsan Al-Shabaab. Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta next post Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo You may also like Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/08/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay sida laga yeelayo Ciidamada Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab 13/02/2023 Ururada Saxaafadda Oo Canbareyay Weerarkii Lagu Qaaday Warbaahinta Mustaqbal 27/04/2021 Ra’iisal Wasaare Xamse oo gudoomiyay shir looga hadlayay la dagaalanka Fikirka Xagjirka 22/02/2023 Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday go,aan ka dhan ah Guddiga FEIT 02/04/2022 Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen oo gaaray magaalada Muqdisho 19/08/2021 Dhageyso:-Aqriso: Cali Wardheere C/Raxmaan Oo Loo Magacaawey Gudoomiyaha Gobolka Bay 05/05/2017 Internetka oo wali ka maqan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 28/06/2017 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/10/2019 Dhageyso:-Farmaajo oo ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka 14/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.