Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta written by Warsan Radio 19/06/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxo safar dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, waxaana haatan dalka kusime Madaxweyne ka ah Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar maadaama shalay uu isna uu safar dibadda ah u baxay guddoomiyaha Golaha Shacabka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doono madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah You may also like Dhageyso;- warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 01/06/2022 Dhageyso Ogaysii Ogaysii cumar Shariif iyo Baydhabo Maxaa Kalahaysta Maalinta Ciida. 31/08/2017 QM oo shaacisay inay kordheen dadka ka barakacaya Abaarta kajirta Somalia 11/08/2022 Dhageyso :-Barnaamijka Dooda Jimcaha ee Warsan oo Dood Kulul Dhexmartey odiyaasha Dhaqanka KGS, 10/11/2017 Bangiga Adduunka oo 2 Bilyan oo Dolar ugu deeqay Pakistan 26/09/2022 Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya 07/03/2021 Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo (Sawirro) 23/08/2020 Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq 17/04/2022 Video: Waa Sidee Xaalada Dadka Ku Jiraan Xarunta Dhimirka Ee Magaalada Baydhabo? 11/01/2020 Daawo: Madaxweynaha Puntland oo ka warbixiyay Ujeedada Shirka Dhuusamareeb 07/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.