QM oo dalbatay in laga hortago xadgudubyada Haweenka loogu geysto Soomaaliya written by Warsan Radio 19/06/2022 Iyada oo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha, QM ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.“Xuquuqda aadanaha ee dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, si ay tani u dhacdana waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hanaanka ilaalinta sharcidejin iyo midka bulsho ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loogu talagalay haweenka iyo carruurta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.“Waxaan sidoo kale ku boorinayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay xaqiijiyaan in agabka lagu taageerayo dadka ka badbaaday rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha ay ku jiraan fursado dhaqaale. Iyadoo loo marayo awoodsiin dhaqaale ayaa ka badbaadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay naftooda iyo qoysaskooda wax ku taraan, oo ay ciribtiraan ceebaha la xiriira in loo geystay rabshadahaas oo kale,” ayaa yiri Md. Swan.Si taas loo gaaro, dadaallada QM ee Soomaaliya ee dhinaca xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxaa ka mid ah in la furo xarumo gaar ah oo taageero buuxda siiya haweenka horey loola xiriirin jiray Al-Shabaab, halkaasoo ka dib marka la siiyo la-talin billow ah iyo taageero nafsi-bulsheed, haweenku ay qaadanayaan muddo tababar xirfadeed oo farsamo gacanta ah iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado fursadaha ay ku heli karaan isku filnaansho dhaqaale iyaga iyo qoysaskooda.Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2015kii ku dhawaaqay maalinta 19-ka June ee sanad kasta inay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Xilliga Colaadaha. Xuskaas ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga ku aaddan baahida loo qabo joojinta xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha, in la sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee ku nool adduunka dacalladiisa iyo in ammaan loo jeediyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray naftoodana ku waayay u istaagidda ciribtirka dembiyadaas. QM oo dalbatay in laga hortago xadgudubyada Haweenka loogu geysto Soomaaliya was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeelanaya Taliyeyaasha Ciidamada You may also like Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Nigeria 05/07/2021 Akhriso+Sawiro:-Madaxweyne Farmajo oo ka qeebgalay munaasabad loo qabtay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka 21/08/2018 Maxaa looga hadlay kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka? 17/08/2023 Dhageyso:- Wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelanay afhayeenka jaliyada YURUB KGS, 25/01/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/01/2022 Mareykanka oo sheegay inay dhameystireen ka bixitaanka ciidamadoodii Soomaaliya. 18/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/08/2020 Dhageyso:-Dadbadan Oo ay soo Barakicisey Abrata ayaa soo Gaarey Magalada Baydhabo Feysal Dhayow Xuseen 09/02/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/04/2021 Daawo Madaxweyne laftagareen oo kahadlay weeradii udanbeeyay iyo Amniga guud ee Koonfur Galbeed 23/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.