
Afarta ragga ee Maanta Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Jaamac Aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo Ciidamada Puntland ay howlgallo kusoo qabteen
Dhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada Ciidamada xarunteeda Boosaaso ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay ay ku cadaatay dambiyada loo heysto, isla markaana ay dil toogasho ku xukumeen.
Puntland ayaa horay waxaa ay xukuno dil ah ugu fulisay rag lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.