Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo written by Warsan Radio 21/06/2022 Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid rag lagu helay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab’ kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Afarta ragga ee Maanta Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Jaamac Aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo Ciidamada Puntland ay howlgallo kusoo qabteenDhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada Ciidamada xarunteeda Boosaaso ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay ay ku cadaatay dambiyada loo heysto, isla markaana ay dil toogasho ku xukumeen.Puntland ayaa horay waxaa ay xukuno dil ah ugu fulisay rag lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan. next post Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo You may also like Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka “Waxaan Soodhaweynayaa Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka” 16/11/2020 Madaxda Maamul Goboleedyada oo heshiis hordhac ah gaaray 28/03/2021 Dhageyso:-wareysi Aanu layeelanay Gudoomiyaha Golaha Dhaganka KGS Malaq C/rashiid sheikh C/rahamaan oo Kamid Ah Odayaasha Dhaganka, 14/08/2016 Israa’iil oo baahisay Muuqaalka Falastiiniyiin dharka laga dhigay 11/12/2023 Ukraine iyo Ruushka oo arrin muhiim ah ku heshiiyay 23/07/2022 Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka oo isbedel ku sameeyay jadwalka doorashooyinka 29/12/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Midowga Yurub 3-11-2016 03/11/2016 Booliska Baladweyne Oo Soo Saaray Amaro Culus Oo Quseeya Bulshada Magaalada 23/01/2023 Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Dhambaal u diray Dowladda Turkiga 29/10/2023 Akhriso: Wararkii u Danbeeyay Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka 22/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.