Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow written by Warsan Radio 22/06/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan xirnaanshaha wadaadka Muqtaar Roobow oo u xiran dowladda & sida dowladda Soomaaliya ay ka yeeleyso xarigiisa.Guddoomiyaha oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay tv-ga Universal wuxuu sheegay in ka guddoomiye ahaan uu horay u cadeeyay mowqifkiisa, isla markaana Muqtaar Roobow si sharci darro ah ay u xirtay dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Wuxui hadalkiisa uu intaasi kudaray in Rooboow uu ahaa Nin leh hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Maamulka Koonfur Galbeed, hayeeshee iyada oo aan wax maxkamad ah oo dambi ku heysata la soo taagin uu u xiran yahay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tashan doonto xarigiisa, isla markaana dhawaan ay go’aan ka gaari doonto.Horaantii Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo adeegsaneysa Ciidamo Itoobiyan ah waxaa ay Magaalada Baydhabo kasoo xjrtay Muqtaar Rooboow oo xilligaas ahaa musharrax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Ukraine oo la heystayaal ku tilmaamay wadamada Afrika next post Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne You may also like DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 20/12/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/08/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/09/2020 Dhageyso:-Maxkamada Ciidanka Qalbkasida oo xukuno Dil Qisaas ah kuriday 2 qof oo dil horay ugu geestay Gudaha Magaalada bay dhabo 01/10/2018 Dhageyso: Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha ee Idaacada Warsan 25/11/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 28/09/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/12/2020 Government develops Education Sector COVID-19 Preparedness and Response Plan 24/04/2020 Qaxooti horleh oo gaaray Xerada Dhadhaab & Hay’ad digniin kasoo saartay 28/10/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 29/01/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.