Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay written by Warsan Radio 24/06/2022 Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa waraaqaha aqoonsiga ergeynimo ka gudoomay Ergeyga cusub Dowladda Soomaaliya u fadhin doona ergada joogtada Soomaaliya u qaabilsan Ururka (OIC) Dr ibraahim Aadan Muuse.Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka waraaqaha Aqoonsiga oo ka dhacday Xarunta Ururka ee magaalada jiddah ee dalka Sacuudi carabiya ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen baahida loo qabo sidii loo horumarin lahaa siyaasadda iyo istiraajiidiyadda uu ururka (OIC) ugu talo galay xaqiijinta himilooyinka dunida islaamka.Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee (OIC) Danjire Xuseen ibraahim (Daha) ayaa sheegay in maamulka Sare ee Ururka ay gacan weyn ku siin doonaan xilka loo soo magacaabay Dr ibraahim Aadan Muuse.Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday Ururka OIC Dr ibraahim Aadan Muuse ayaa dhankiisa u mahad celiyay Xoghayaha guud ee Ururka (OIC) sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyay ururka, isaga oo ballan qaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka wanagsan oo ay Soomaaliya la leedahay Ururka.Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa waxaa ku Midoobay ilaa 57 dal oo ah wadamada Islaamka, waxaana la Aas’aasay Sanadkii 1996-kii, iyada oo Soomaaliya laheyd fikradii lagu sameeyay Ururkaas. Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah next post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan You may also like Dowladda Federaalka oo u digtay dadka cadaallada u doonta Maxkamadaha Al-shabaab 13/01/2021 Dhageyso:-Maamulka KGS ayaa sheegey In ay Wadaan qorshayaal Loogu maarmaayo In wax barosho Jamacaadeed 14/07/2017 DHAGEEYSO:-SANAD KII TAGAY BISHA 7 DOBAAD BISHA 8 DAAD IYO BISHA 9 XAAD EE 2016DA 01/01/2017 Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi qaran u magacaabauy ka jawaabida abaaraha ka jira dalka 21/11/2021 Jubbaland oo taageertay Go’aankii lagu Eryay Francisco Madeira 08/04/2022 Dhageyso;- Warka duhurnnimo ee idaacada warsan 10/10/2022 Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha Amniga 23/04/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan 03/08/2022 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/11/2018 Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha 24/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.