Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray dalka Eriteriya, waxaana madaxweynuhu booqasho u kuurgalid ugu tagi doonaa 5000 kun oo ciidanka qaranka ah kuwaas tababar ku qaatay Dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.