Puntland oo faah faahisay dagaalkii ka dhacay Garoonka Boosaaso & diyaaradii la celiyay written by Warsan Radio 11/07/2022 Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha gudaha ee dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan & Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka warbixiyay iska hor imaad ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ku dhexmaray Magaalada Boosaaso & diyaaradii maanta laga celiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.Wasiirada Wasaaradda Amniga Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha boosaaso ay yimaadeen Ciidamo katirsan kuwa PSF, iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan garoonka, balse taasi ay ka biyo diideen ciidamada ilaalada ka haaya.Wuxuu sheegay in Puntland ay mamnuuday in Ciidamo lala galo dhamaan garoomada diyaaradaha, isla markaana isaga ilaaladiisa markii uu alayo Garoonka uu banaanka kaga tago, hayeeshee dagaalkii Maanta uu sabab ahaa Ciidamada PSF oo doonayay inay hubka la galaan Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay diyaaradii laag celiyay garoonka boosaaso oo ay saarneyd kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiyo Xaaji Samatar ayaa sheegay in si kedis ah uga warheleen in diyaarad sida gargaar ay kasoo degi rabo garoonka diyaaradaha magaalada boosaaso.Waxaa uu sheegay Wasiirka in ay jirtay wargelin la’aan ku saabsan in garoonka magaalada Boosaaso laga soo dejiyo gargaar aan lagu soo warelin Hay’adaha kala duwan ee Puntland, hayeeshee laga ogaaday markii ciidamada PSF ee garoonka tegay ay Hay’adaha Amniga u sheegeen inay diyaaradaas sugayaan.Wuxuu ku baaqay in tallaaba kasta iyo waxkasta oo la keenayo degaannada Puntland lala soo wadaago hay’adaha ay quseyso, maadaama dalka uu kujiro xaalad adag, sidoo kalena dhawaan Soomaaliya ay yeelatay dowlad cusub. Puntland oo faah faahisay dagaalkii ka dhacay Garoonka Boosaaso & diyaaradii la celiyay was last modified: July 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Boosaaso next post Dhageyso:-Warka Caawa ee Radio Warsan You may also like Sheekh Aadan Madoowe oo Doorashada Manta Baydhabo ku soo baxay 27/11/2016 Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo kulamo la qaatay Ergeyga gaarka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar “SAWIRRO” 04/05/2021 Gabar Soomaaliyeed oo ku tartamaysa Feerka Ciyaaraha Olombikada 03/07/2021 Dahgeyso+Sawiro:-Dood ku saabsan lambar gaaban oo si bilaash ah ama lacag la’aan dadka uga soo wici karaan Xaruunta xalinta khilaafaadka Degmada Baydhabo si looga xaliyo arihama khilaafaadka la xariira. 17/06/2021 Maxay ka wada hadleen RW Xamse & Safiirka Imaaraadka? 02/10/2023 Dhageyso:-Aqriso: Cali Wardheere C/Raxmaan Oo Loo Magacaawey Gudoomiyaha Gobolka Bay 05/05/2017 Dhageyso:-Gobolada Dhaxe ayaa kamid noqotey Deegaanada Laga Diidey Lacagta Shilinka Soomaaliga. 06/07/2017 Daraasad: EVC Plus waxa uu sare u qaaday horumarka maaliyadeed ee dalka 17/01/2021 Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedayn uga timid Somaliland 29/06/2022 Villa Somalia oo war kasoo saartay kulan Hordhac ah oo ka dhacay Dhuusmareeb (Sawirro) 17/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.