Nin dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhan Cumar oo xukun lagu riday written by Warsan Radio 14/07/2022 Maxkamad federaal ah oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa dhawaan ku xukuntay saddex sano shaqo adag ah iyo ganaax dhan $7,000 oo doolar, nin u hanjabay Ilhaan cumar, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka.Ninkan ayaa hadda ka hor la sheegay in farriin Email ah uu u diray Ilhaan Cumar isagoo ugu hanjabay in uu dilayo.Sidoo kale waxaa la sheegay in isla farriintaas hanjabaadda dil ah uu u diray saddex xildhibaan oo kale oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka.Ninkan oo lagu magacaabo David George Hannon, oo 67 jir ah ayaa bishii April qirtay in dambiga ah in uu dilka ugu hanjabay xildhibaanada kadib markii farriin ugu diray Email-ka.Wuxuu mari doonaa baaritaan dhanka maskaxda ah iyo in uu isticmaalay daroogo.Xildhibaanada uu ninkan hanjaabadda dilka ah kula kacay ayaa kala ah Ilhaan Cumar oo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ku matesha Minnesota, Alexandria Ocasio-Cortez oo laga soo doortay New York, Ayanna Pressley oo laga soo doortay Massachusetts iyo Rashida Talib oo laga soo doortay Michigan, sida ay ku warrantay warbaahinta Tampa Bay Times.Xilliggii uu arrintaas sameynayay waxay xildhibaanada qabteen shir jaraa’id bishii July ee sanadkii 2019-kii xilli ay dhaleeceynayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo sheegay ‘in xildhibaanada ay dib ugu laabtaan dalalkii ku caanbaxay dambiyada’Hanjabadda waxay mid ‘aad u fool xun oo aan habbooneyn dhinac walba’ sida uu sheegay garsooraha maxkmadda Kathryn Kimball Mizelle.Bbc Somali Nin dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhan Cumar oo xukun lagu riday was last modified: July 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Somalia oo baaq la xiriira Abaaraha u dirtay dowladda Jarmalka next post Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan You may also like Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin 05/01/2023 Xukun dil ah oo lagu riday Askari qof shacab ah dilay 27/11/2023 Guddoomiyihii Hore Ee Ahlusunna Ugu Magacaawnaa Dhuusamareeb Iyo Xubno Kale Oo La Xiray 27/02/2020 Puntland oo gacanta ku digtay Kalluumeysato Ajnabi ah iyo doomo ay wateen 19/11/2022 Wafdi uu hoggaaminaayo Rooble oo gaaray Imaaraadka Carabta 30/01/2022 Dowladda oo qubaro u dirtay garoonka Beledweyne (Sawiro) 31/08/2020 Ku xigeenkii hore ee Xeerilaaliyaha qaranka ayaa dhowaantan baahiyay in uu u tartami doono ka mid noqoshada xubnaha golaha baarlamanka federaalka ee dhowaantan la soo xuli doono. 24/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/06/2022 DHAGEYSO : SIYAASY ASHEER GALY QEYBTII 3 AAD. 11/08/2018 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/12/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.