Baydhabo-{WMN}- Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.
Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.
Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, maalintii Isniinta, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.
Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.
Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale.