Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa jugtiisa laga maqlay Xaafadaha Magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Hotelka Nuur Doob oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in inta badan ay burbureen Dhismayaashii Hotelka iyo Guryihii ku dhawaa , sidoo kale ay ku waxyeeloobeen mas’uuliuiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi qaraxa ah oo aan helnay ayaa waxaa kamid ah, Guddoomiye kuxigeenka hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise,Wasiirka Haweenka Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin iyo Xildhibaan hore jeego, iyada oo Isbitaalka Magaalada Jowhar la geeyay dadkaas.
Hotelka Qaraxa lagu weeraray ayaa kuyaalla meel u dhow Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar, waxaana goobta qaraxa ka dhacay la soo dhoobay Ciidamo farabadan.