Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 18/07/2022 Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.War kasoo baxay Ciidanka DANAB ayaa lagu sheegay in degaanka labakuus ay Al-Shabaab ku lahayeen bar kantarool oo ay lacag uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeeran sakawad oo xoolaha shacabka Somaliyeed looga qaado.Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu dilay 5 katirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Sarkaalkiii Al-Shabaab u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Xubnaha Shabaab.Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga soo furtay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, welina howlgalka ay sii wadaan. Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: July 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Qarax lala beegsaday Ciidamada howlgalka ATMIS & khasaaro ka dhashay You may also like Dad ku geeriyooday Qarax ka dhacay Wershad lagu farsameeyo Gantaalada 10/06/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 01/02/2022 Axmed Madoobe oo sheegay in deg deg lagu dooran doono kuraasta dhiman ee G/ Gedo 11/04/2022 Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogtay afar nin oo Eedeeyeen (Akhriso Magacyada) 23/08/2020 Puntland oo War kasoo saartay dil loo geystay Oday 60 sano jir ah & Wiilkiisa 18/10/2022 Xisbiga Mucaaradka Wadani oo ku horeeya doorashada Somaliland 05/06/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/03/2019 Maamulka Puntland oo War xasaasi ah kasoo saartay xaalada dalka iyo doorashooyinka 10/06/2020 Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya 13/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.